AKHRISO:- Asad Cabdirisaaq Maxamed oo loo doortay Kursi Golaha Shacabka

0

Doorashada lix kursi oo kamid ah Golaha Shacabka ayaa weli ka socota Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana goordhow la doortay Kursiga Sadsexaad ee doorashada Maanta.

Asad Cabdirisaaq Maxamed ayaa ku guuleystay kursiga HOP 120 ee Golaha Shacabka deegaan doorashadiisu tahay Jubbaland, wuxuuna helay 77 Cod, halka Siciid Cabdiqaadir Shugri oo la tartamayey uu helay 18 cod.

Ilaa lix kursi ayaa la filayaa in Maanta lagu doorto Magaalada Kismaayo, kuwaaa oo Saddex kamis ah la doortay halka Saddexda kale la dooran doono.