AKHRISO:- Shir looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Boosaaso

0

Taliyaha qeybta booliska gobalka bari G/sare C/qaadir Jaamac Dirir iyo Taliye ku xigeenka qeybta booliska gobalka bari g/dhaxe khaalid Abdirahman mohamed iyo saraakiil katirsan taliska qeybta booliska gobalka bari ayaa Maanta oo khamiiis ah shir gudoomiyey shirka Amniga gobalka bari ,

Shirka ayaa looga hadlaayey sidii loo dar-der gelin lahaa hawlaha Amni ee gobalka bari maadaama Magaalada Boosaaso ay kamid ah Goobaha lagu qabanayo doorashada Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka.

Taliyaha ayaa si gaar ah ugula dar-daarmay Saraakiisha amniga in ay adkeeyaan wada shaqeynta dhanka amniga ee ay la leeyihiin bulshada Degmada Bosaaso taas oo muhiim u ah qorsheyaasha xasilinta Gobalka Bari