AKHRISO:- Shil geystay dhimasho & Dhaawac oo ka dhacay duleedka Garoowe

0

Inta la xaqiijiyay laba ruux ayaa ku dhintay mid kalena waa ku dhaawacmay kadib shil Gaari oo Maanta ka dhacay duleedka bari ee caasimadda Garoowe.

Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen laba Gaari oo marayay duleedka Bari ee Magaalada Garoowe, waxaana burbur xoogan uu soo gaaray labada Gaari.

Ciidamada ilaalada Waddooyinka ee taraafikada iyo dadweyne ayaa u gurmaday dadka shilka ku waxyeeloobay, kuwaas oo la geeyay Isbitaalka Magaalada Garoowe.

Wadada xiriirisa Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso ee Gobolada Nugaal iyo Bari ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay shilal Gaari oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.