AKHRISO:- Safiirka Soomaaliya ee Masar oo qaabilay Wasiirka Batroolka

0

Safiirka Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa maanta Xafiiska ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng Cabdirashid Maxamed Axmed oo booqasho ku tegay xarunta Safaaradda.

Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa Wasiirka Sharaxaad guud ka siiyay howlaha Safaaradda iyo isbedaladda xoogga leh ee ka socda Safaaradda.

Wasiirka oo la kulmay Diblomaasiyiinta ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay booqashadda uu ku tegay xarunta Safaaradda, isagoo xusay inu Danjire Ilyaas Sheekh Cumar uu ku bogaadinayo Horumarka balaaran ee ka muuqda qeybaha kalla duwan ee Safaaradda.

“Muddo badan ayaan aqaan Danjire Ilyaas Sheekh Cumar, aniga oo Wasiirka Ganacsiga ah ayaan imid Masar xiligaas waxa uu kamid ahaa Diblomaasiyiinta safaaradda, runtii wa nin dhalinyaro ah oo firfircoon, waxaan ku kalsoonahay khibradda, howlkarnimadda iyo kartida uu leeyahay, marqaati ayaa ka tihiin isbedelka hadda idiin kaga muuqda safaaradda, dhowr mar oo aan imid safaaradda maanta ayey ugu wanaagsan tahay, marka waxaan idin kulla talinayaa in la dhinac istaago oo si fiican lagula shaqeeyo safiirka.” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Batroolka.