AKHRISO:- Guddiga doorashooyinka Jubbaland oo Isbadal ku sameeyay Jadwalkii ay soo saareen

0

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland SEIT ayaa shaaciyey in saxid lagu sameeyey jadwalkii hore ee shaacinta guddiga xulista ergada kuraasta lixda ah ee la shaaciyey jadwalkooda goor dhaweeyd.

Gudoomiyaha Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland SEIT Dr Siyaad Maxamed Mursal ayaa shaaciyey in bulshada Soomaaliyeed ay ogeysiinayaan isbadalkaan cusub.