AKHRISO:- Doorashada Guddoomiyaha Guddiga xalinta khilaafaadka doorshoooyinka oo Maanta dhaceysa

0

Waxaa lagu wadaa in Maanta Magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Guddga xalinta khilaafaadka doorashooyinka kadib markii Ra’iisul Wasaare Rooble u Shaqada ka Eryay Guddoomiyihii gudiga xalinta khilaafaadka iyo lix xubnood oo ka tirsan Guddiga.

Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoonka Gudiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa soo saaray shuruudaha musharrixiinta u tartamaya Guddoomiyaha Guddiga xalinta khilaafaadka, kuwaas oo ay kamid yihiin.

1-Waa in uu yahay xubin ka mid ah Guddiga Xallinta Khilaafadka Doorashada dadban.

2- Gudoomiye ku xigeenka guddigu hadii uu u tar tamayo jagada banaan ee guddoomiyaha
Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka waa in uu iska casilaa xilka.

3. Mudada qabashada araajida musharaxnimada ayaa ka bilaabatay 18-01-2022 saacadu
marka ay aheyd 9:00 pm waxeyna ku ekeyd 19-01-2022, 9:00 pm.

Nidaamka Cod bixinta.
1-Cod bixintu waa Qarsoodi.

2- Waxa lagu codaynayaa sanduuqa codbixinta.

3-Hadii ay tar-tamaan 3 murashax iyo kabadan waxa wareega koowaad lagu kala guulaysanayaa
50+1 ee tirade guud ce gudiga oo ah 21 xubnood.

tusaale murashaxa hela 11 cod iyo kabadan ayaa kuguulaysanaya tartanka.

4-Waxa ay doorashadu dhacaysaa maalinta Khamista ee ku beegan 20/1/2022 saacadu marka
tahay 11:00am

5- Goobta codbixintu waa teendhada afisyooni.
Doorashada Guddoonka.