SAWIRO:- Wasiiro katirsan Puntland oo Garoowe lagu dhaariyeey

0

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarinta Wasiiro cusub oo dhowaan uu magacaabay Madaxweynaha Puntland kuwaasi oo maanta si rasmi ah xilkaasi loogu dhaariyay.

Wasiirada cusub oo uu dhaariyay Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Nuur Ciise Maxamed, ayaa kala ah Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdiraxmaan Cali Axmed iyo Wasiirka Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Mudane Axmed Yuusuf Maxamed (Labayk).

Madaxweynaha ayaa Wasiirada cusub alle uga baryay in uu u fududeeyo, wuxuuna kula dardaarmay in ay sida ugu wanaagsan u gutaan waajibaadka loo igmaday.