AKHRISO:- Biyo dhaamin loo sameeyay Dadka ay abaartu ku saamaysay Gobolka Mudug

0

Mashruucaan Biyo dhaaminta ah ayaa waxaa iskaashanaya Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Galmudug iyo Hay’adda IMC waxaana ka faaidaysanaya 1100 qoys oo ku nool Gobolka Mudug, kaasi oo maanta laga bilaabay deegaanka Jilable hayre

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo Hay’adda IMC ayaa goobjoog ka ahaa madashaan Gurmadka loogu sameynayo dadka Abaaruhu sameeyeen

Axmedkhayr Macalin Maxamuud Madaxa IMC oo ka waramaya mashruucaan ayaa xusay inay tahay mid ay uga faa’ideynayaan dadka ay abaartu saameysay.

Agaasimaha Wasaaradda Gargaarka iyo isku-duwaha Tamarta Galmudug ee Gobolka Mudug Cumar Xasan Xaaji iyo Axmed Xasan Faarax ayaa sheegay in biyo dhaaminta la gaarsiin doono dadka ay abaartu saameysay ee ku nool Gobolka Mudug.