AKHRISO:- Xasan Sheekh Oo Ka Digey In Dib U Dhac Kale Uu Ku Yimaado Doorashada Dalka

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digey in dib dhac kale uu ku yimaado doorashada dalka Soomaaliya taasina ay halis geliso jiritaanka dalka Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud oo cod la soo duubay la soo dhigey baraha bulshada ayaa waxa uu ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin Doorashooyinka, Amniga, siyaasadda, iyo mustaqblaka dalka.

Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya kana mid ah musharaxiinta ayaa hadalkiisa ku sheegay inuu ku kalsoon yahay in mudada loo cayimay in doorashada dalka lagu soo gabagabeeyo ay ku qabsoomi karto balse waxa uu ka digey in muddo kale lagu darsado qabashada doorashada.

“Aad ayaan ugu kalsoonahay in Doorashada ay ku dhaceyso waqtigeeda, 40ka maalmood waxa aan aaminsanahay in lagu qaban karo, haddii ay noqoto 41, 43 ama 45 cishe waxaa la dhihi karaa waala simbiriqay Laakiin Madaxda DF & Dowlad-Goboleedyada aad ayay u adag tahay in la aqbalo oo cudur daar malaha bil ama saddex in ay sii socota” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu Madaxweynihii hore ee dalka hadalkiisa ku xusay cawaaqibka ka dhalan kara haddii doorashada ay xumaato isagoo tusaale u soo qaatay qaar ka mid ah wadamada caalamka.

“Doorasho xumaata waxa ka dhalan kara, waa sida ay noqdeen dalalka Afghanistan, Ciraaq iyp Liibiya, dalka iyo dadka Soomaaliyeed ma u dulqaadan karo doorasho xumaata, dowladnimadu laablaab ma gasho, Dowladnimu been ma aha mana la isku cabsi geliyo” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalka uu jeediyay ku soo qaaday marxaladihii kala duwanaa ee dowladnimada Soomaaliya soo martay ayaa waxaa uu ka digey in dhagaha laga fureysto digniinta ay soo jeedinayaan beesha caalamka taasina ay ugu dambeyntii sababi karta in dowlada Soomaaliya loo aqoonsado mid kumeel-gaar ah.