Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo safar deg deg ah ku tegay laas-Caanood

0

Guddoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa saaka gaaray Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobalka Sool.

Guddoomiyaha waxaa magaalada Laascaanood ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Gobolka Sool iyo Maayarka Magaaalada Laascaanood.

Wafdiga Guddoomiyaha ayaa la dejiyey Aqalka Madaxtooyada magaalada laascaanood, waxaana la filayaa in uu kulan la qaato Maamulka Magaalada laas-Caanood iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.