Dad ku dhintay qarax ka dhacay degaan ka tirsan Gobolka Baay

0

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka la dhigo ee meelaha fog fog laga hago ayaa waxaa uu ka dhacay Goob maqaaxi ah oo kutaalla degaanka Awdiinle ee Gobolka Baay.

Goobta Maqaaxida ah oo ay ka Shaaheeyaan shacab iyo askar ka tirsan Ciidamada Koonfur Galbeed ayaa kutaalla suuqa degaanka Awdiinle, waxaana ku dhintay qaraxa Afar ruux halka 5 kale ay ku dhaawacmeen.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dadka qaraxa dhimashada iyo dhaawaca ku noqday ay yihiin badi Shacab maqaaxida ku sugnaa ,xilliga qaraxa uu dhacayay oo mashquul badan uu kajiray maqaaxida.