Ciidamada Puntland oo howlgal xoogan ka fuliyay Buuraleyda Gobolka Bari

0

Ciidamo ka tirsan kuwa difaaca Puntland ee kala ah Birmadka, Daraawiishta iyo PMPF ayaa 24 ki saac ee lasoo dhaafey waxey howlgallo qorsheysan ka fuliyeen deegaan Buureedka gobolka Bari gaar ahaan dhagax dhaabuur iyo meelo u dhow deegaanka Madarshoon.

Howlgalka ayaa saaraakiisha hoggaamineysay waxaa ay sheegeen in uu ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaa, isla markaana Bartilmameedku uu ahaa saldhigyo ay Al-Shabaab ku la haayeen godod dhex dood.

Sidoo kale saraakiishu waxaa ay sheegeen in howlgalka uu si wanaagsan ugu dhacay ayna la wareegeen Ciidamada dhamaan goobihii ay howlgallada ka sameeyeen.

Ugu dambeyn saraakiishu waxaa ay sheegeen in weli howlgalka uu socdo, isla markaana aysan jirin wax khasaaro ah oo kasoo gaaray Ciidamada