AKHRISO:- Guddiga doorashooyinka oo diiday in lagu dhaqmo habraacii Madaxda Somaliland ee Muqdisho

0

Guddiga Doorashooyinka Federaalka ayaa gebi ahaanba laalay habraacii doorashada Aqalka-sare ee Somaliland ee ay horay u qorteen Raysal Wasaare ku-xigeen Mahdi Guuleed iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Guddiga ayaa sheegey in habraacaasi uu keliya ku koobnaa Aqalka-sare isla markaasna Golaha Shacabka Somaliland lagu maamulayo habraac lamid ah maamullada kale.

Guddiga ayaa sheegay in Madaxda Somaliland aysan soo faragalin doorashada, islamarkaana guddiga doorashada ay khuseyso doorashada aan la aqbali Karin wixii dhacay maalmihii lasoo dhaafay.

Go’aankaan ayaa mid meesha ka saaraya Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed.