AKHRISO:- Guddiga doorashada oo la laalay doorashada labo kursi oo dhowaan lagu doortay Baydhabo

0

Guddiga doorashada heer Federaal ee FEIT ayaa sheeg in la laalay doorashadii labo kursi oo dhowaan lagu doortay magaalada Baydhabo.

Kuraasta lalaalay ayaa kala HOP103 iyo HOP154, waxayna sheegeen guddiga in dib loogu celinayo doorashadooda kuraastaas.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in kuraas laga soo doortay Galmudug dacwad laga soo gudbiyay iyagana baaristooda ay socoto.

Labadda Kursi ayaa horay waxaa ugu fadhiyay xildhibaano Sareedo Maxamed oo dib loo doortay iyo Gudoomiyihii hore golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo loo diiday in uu tartamo, waxana kursigiisa kusoo baxay Wasiirka Gaadiidka maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Cali.