AKHRISO:- Taliska Booliska Somalia oo War kasoo saaray dilkii Sakariye & Sowdo

0

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan oo ay garab taagnaayeen ehellada Sakariye iyo Sowdo oo xalay lagu dilay Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay sida uu dilka u dhacay iyo dadkii ka dambeeyay.

Afhayeenka oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in dilka uu ka dhacay xalay Isgoyska Dambe, isla markaana ay geysteen Ciidamo Millateri oo saarnaa gaari Cabdi Bille ah, kuwaas oo uu sheegay inay fureen rasaas si ay ugu furtaan wadada oo mashquul iyo jaam farabadan uu kajiray.

Sidoo kale wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Ciidamada Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan hay’adda dambi baarista ee CID-DA ay waddo baarista kiiskaas, isla markaana dhawaan war laga soo saari doono.

Warkaan kasoo yeeray Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa kusoo aadaya xilli Maanta qaar kamid ah Ehellada Sakariya iyo Sowdo ay sheegeen in aan la Aasi doonin meydadka ilaa laga helayo Cadaalad.