AKHRISO:- Dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo & Faah faahin laga helayo

0

Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay Saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland ku leeyihin duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu ymid kadib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Saldbiga Ciidamada jubbaland ku leeyihin degaanka Cabdalla Biroole ee duleedka Kismaayo, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal in ka badan saacad socday.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay, hayeeshee ay sheegeen in sirasmi ah u xaqiijin karin dadka ku waxyeeloobay dagaalkaas.