AKHRISO:- Maamulka Gobolka Hiiraan oo Hay’adaha samafalka kala hadlay abaaraha

0

Gudoomiyaha Gobalka Hi Cali Jeyste Cismaan ayaa maanta kulan kula qaatay Magaalada Beledweyne l Hay’addaha Samafalka ee ka Howlgalla Gobolka Hiiraan.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray xaaladaha abaaraha ee ka jiro Tuulooyinka iyo Degmooyinka Gobolka Hiiraan taas oo sii korartay xaaladaha Bini’aadanimo ay wajahayaan Dadka ku nool Deg’mmooyinka Gobolka Hiiraan.

Hay’addaha ayaa la faray ineey sameeyan qiimeynta ugu dambeeysay Guud ahaan gobolka Hiiraan si Dadka loogu fidiyo gargaar Bini’aadanimo oo la taaban karo lana xoojiyo Daah-furnaanta si loo samata Bixiyo Dadka iyo Duunyada.

Gudoomiyaha gobalka hiiraan ayaa la wadaagay hay’addaha Gar-gaarka Warbixinadii ugu Dambeeyey ee goobaha ay ka jiraan biyo la’aanta. Saameysay Dadka iyo Duunyada una Baahan wax ka qabashada Deg-dega ah

Guddoomiyaha ayaa carabka ku adkeeyey in xaalada Bini’adanimo ee ka Jirto Gobolka hiiraan ay tahay mid aad u adag lagama Maar-maana aay tahay in la sameeyo Gargaar dhab ah oo la taaban karo, isaga oo Alle uga baryay in abaaraha uu ka dul-qaado Shacabka Soomaaliyed iyo deeganada gobolka Hiiraan.

War kasoo baxay Maamulka gobolka Hiiraan ayaa waxaa lagu sheegay inay wadaan dadaaladii ugu dambeeyey waxqabad ee looga jawaabi lahaa Abaaraha xoogan ee ka Jiro gobalka Hiiraan.