AKHRISO:- Cumar Cabdirashiid oo dhaliilay habka ay ku socoto doorashada Golaha Shacabka

0

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, waxaana Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde kusoo dhaweeyay Xubno ka tirsan Midowga Musharrixiinta.

Cumar Cabdirashiid oo Afartii sano ee la soo dhaafay ka tirsanaa Xildhibaannada Aqalka Sare ayaa ku maqnaa dalka dibaddiisa, wuxuuna Maanta ka hadlay ujeedka safarkiisa Muqdisho, isaga oo cadeeyay mowqifkiisa doorashooyinka ka socda dalka.

Ra’iisul Wasaare hore Cumar Cabdirashiid oo kamid ah musharrixiinta Madaxweynaha ayaa sheegay in dalka uu kajiro qaladaad badan oo salka ku haayo heshiiskii doorashada ee Muqdisho lagu galay Bishii Agoosto, haatana dalka uu kujiro xaalad qatar ah.

“Dalka xaalad qatar ah ayuu ku sugan yahay awoodii waxaa loo gacan geliyay Maamulada iyo Dadka Doorashada ku howlan samata bixin ayuu u baahan yahay dalka ayuu yiri” Cumar Cabdi Rashiid.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in uu ku biiri doono shirarka wadatashiga ah oo Midowga musharrixiinta uga socdo Magalada Muqdisho si dalka loogu jiheeyo doorasho lagu wada qanacsan yahay.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay Cumar Cabdirashiid in sida hadda wax u socdaan aysan aheyn doorasho cadaalad ah hadii lagu sii adkeystana ay keeni karto in la wada diido, wuxuuna ugu baaqay Golaha wadatashiga qaran ee gacanta ku haaya doorashada inay dib isugu noqdaan oo ay qabtaan doorasho cadaalad ah.

Midowga Musharrixiinta Madaxweynaha iyo inta badan siyaasiyiinta mucaaradka ayaa aad u dhaliilay habka ay ku socoto doorashada Golaha Shacabka, iyada oo ay jiraan xubno loo diiday inay u tartamaan kuraastii ay horay ugu fadhiyeen.