SAWIRO:- Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay Masuuliyiin kasocota Wasaarada Cafimaadka DFS

0

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa Aqalka martida ku qaabilay masuuliyiinta Wasaaradaha Caafimaadka Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah ee Ka qeybgalay shirkii Wasaaradaha Caafimaadka ee lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay masuuliyiinta kala duwan ee shirkan ka qeybgalay isagoo xusay in loo baahan yahay wada shaqayn buuxda oo dhex marta hay’adaha kala duwan ee heerarka kala duwan leh ee dalka taas oo xoojinaysa adeega shacabka loo hayo.