AKHRISO:- Wasiirka Haweenka oo Muqdisho ka daahfurtay shir wadatashi ah oo ku saabsan xaqiijinta qoondada Haweenka

0

Wasiirka Wasaaradda haweenka iyo Xaquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Federaalka Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa maanta Muqdisho ka daahfurtay shir wadatashi ah oo ku saabsan xaqiijinta qoondada Haweenka ee Golaha Shacabka.

Shirka oo socon doono muddo labo cisho ah ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee dowladda, Wakiilo ka socday Qaramada Midoobay, ururada haweenka, xubno ka socday Wasaaradaha Haweenka ee Dowlad Goboleedyada iyo marti sharaf kale.

Qaar ka mid ah Madaxda Maamul Goboleedyada oo ka hadlay madasha ayaa dhankooda shaaciyay inay dadaal xoogan ku bixiyeen xaqiijinta kuraasta haweenka ee Golaha Aqalka Sare, haatanna ay ka shaqeyn doonaan qoondada haweenka ee Golaha Shacabka.

Wasiirka Haweenka ee Soomaaliya Marwo Xaniifa ayaa xustay in ay kulamo kala duwan la qaateen Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed, kuwaasi oo ay sheegtay inay isla meel dhigeen xaqiijinta qoondada Haweenka ee Baarlamanka, isla markaana kan Wasaarad ahaan aysan ka seexan doonin ilaa iyo inta ay ka dhamaaneyso doorashada kuraasta Golaha Shacabka.