AKHRISO:- Itoobiya oo sheegtay in TPLF ay ka qabsatay magaalooyin dhowr ah

0

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay guullo muhiim ah ka soo hoyisay dagaalka ay kula jirto fallaagada TPLF ee ka dagaallanta waqooyiga dalkaasi.

Dowladda waxay sidoo kale sheegtay in ciidamada ay dib u qabsadeen magaalooyin dhowr ah oo dhaca gobolka Amxaarada halkaas oo ay heysteen fallaagada TPLF.

Dhawaan ayay aheyd markii dowladda ay shaacisay inay dib ula wareegtay deegaanno dhaca gobolka Canfarta.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhawaan la arkayay isaga oo ku labisan tuutaha militeriga xilli uu ciidamadiisa kula sugnaa jiidda hore ee dagaalka.

Waxaana adag in la xaqiijiyo wararka ka imaanaya furriimaha hore ee dagaalka.

Hadalkan ayaa imanaya xilli wasiirka arrimaha dibadda ee waddanka Shiinaha uu booqasho ku tegay magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa halkaas oo uu kulamo kula yeelanayo madaxda dowladda Itoobiya.