AKHRISO:- Haweenay Al-Shabaab tababartay oo ka qeyb gashay dhoolatuska ciiddanka milatariga Kenya

0

Haweeney looga shakisan yahay inay xiriir la leedahay kooxda Al-Shabaab ayaa fiidnimadii Talaadadii lagu xiray deegaanka Tinderet, ee gobolka Nandi.

Sida uu sheegay agaasimaha waaxda dambi baadhista, George Kinoti, askarta bilayska ee fadhigoodu yahay saldhiga Soghor ayaa xabsiga u taxaabay haweenaydan.

“Haweeneydu waxay u sheegtay dambi-baarayaasha inay Soomaaliya ku sugnayd laba sano, iyadoo sheegtay in ay Alshabab ka afduubteen deegaanka Kilifi, sannadkii 2019,” sidaas waxaa yiri dambi baare George Kinoti.

Booliiska Kenya ayaa sheegay in haweenaydu ay qiratay in la baray xirfado ku saabsan maaraynta hubka, afduubka, isticmaalka walxaha qarxa iyo sidoo kale xirfado kale.

Laamaha dambi baaristu waxay sheegeen in tuhmanaha la sheegay in ay ka qayb gashay dhoolatuska qoritaanka askarta cusub ee milatariga Kenya, ee dhawaan la soo gebagabeeyey.