AKHRISO:- Xilliga la qabanayo doorashada Xubnaha Aqalka Sare uga harsan Jubbaland oo la shaaciyay

0

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Maamulka Jubbaland ayaa Maanta shaaciyey xiliga la qabanayo doorashada afarta kursi ee ka dhiman aqalka sare ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland, kadib markii Axmed Madoobe uu xalay shaaciyay musharixiinta ku tartaneeysa Afarta kursi.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Jubbaland Dr. Siyaad Maxamed Mursal ayaa sheegay in Maalinta Berito ah la diiwaangelin doono musharixiinta Aqalka Sare, halka Maalinta Khamiista ah ay dhici doonto doorashada Afarta kursi ee Aqalka Sare uga harsan Maamulka Jubbaland.

Hadii todobaadkaan Maamulka Jubbaland uu soo geba-gabeeyo doorashada kuraasta Aqalka Sare ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in Maamulka Galmudug uu dhawaan doorto labada kursi ee uga haray Aqalka Sare si loo billaabo doorashada Xildhibaannada Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka.