AKHRISO:- Jubbaland oo Hay’ad Caalami ah kala hadashay Abaaraha

0

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta aqalka Martida ee magalada Kismaayo kulan kula qaatay ku xigeenka Hay’adda UNOCHA, Cindy Issac isagoo kala hadlay xaaladaha ku saabsan abaaraha ka jirta deegaanada Jubbaland.

Madaxweyne kuxigeenka waxaa kulanka ku wehliyay Wasiirka wasaradda Gargaarka iyo Maareenta Masiiboyinka Dowladda Jubbaland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed.

Maxaxweynaha ayaa u gudbiyay masuuliyiinta Hay’adda UNOCHA warbixinno ku saabsan saameynta abaaraha isagoo ugu baaqay in ay gacan ka geystaan sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaaraha saameeyeen.

Cabdiraxmaan Cabdi Axmed, wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo Maareenta Masiibooyinka Jubbaland ayaa markuu kulanka soo idlaaday warbahinta la hadlay, isagoo sheegay in wafdiga ay uga warbixiyeen xaaldaha abaaraha ka jira Jubbaland islamarkaana ay isla garteen sidii la isaga kaashan lahaa gurmad deg-deg ah oo la gaarsiiyo dadka ay saameysay abaarta.