AKHRISO:- Dab khasaaro gaystay oo ka kacay Goobo Ganacsi oo kuyaal Muqdisho.

0

Dabka oo dad ay ku dhaawacmeen ayaa sidoo kale geystay khasaaro Hantiyadeed, waxaana uu Maanta ka kacay Goobo Ganacsi oo kuyaal Xaafada Nasteexo degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, hayeeshee uu ku fiday Guryo u dhow halka uu dabka ka kacay.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dabka uu markii hore ka billowday Kaalin Shidaalka lagu iibiyo, balse markii dambe uu baabi’iyay Guryo ay deganaaayeen dad Shacab ah kuna dheganaa Kaalinta Shidaalka.

Qaar kamid ah dadka kunool agagaarka Goobta uu dabka ka kacay ayaa sheegay in dadaal badan ay sameeyeen Dhalinyarada kunool Xaafada Nasteexo ay ku guuleysteen inay ku demiyaan dabka kadib markii ay kasoo daaheen Gawaarida dab demiska Gobolka Banaadir.

Waxaa ay hadalkooda ay intaasi ku dareen in dabka uu kusoo laab laabtay Xaafada, iyaga oo ku baaqay in la kala fogeeyo Goobaha Ganacsiga iyo Guryaha ay degan yihiin dadka rayidka ah.

Dhinaca kale mas’uul u hadlay Maamulka degmada Wadajir ayaa sheegay in dabka oo ka kacay Waaxda Xaawa Taako ay ku dhaawacmeen Saddex Ruux oo ku sugnaa Kaalinta Shidaalka.

Waa markii labaad oo dab khasaaro hantiyadeed geystay uu ka kaco Goobo Gamacsi oo kuyaal Xaafada Nasteexo ee degmada Wadajir, iyada oo dbowr jeer goobo Gamacsi oo kuyaal Muqdisho uu sidaan oo kale dab uga kacay.