AKHRISO:- Axmed Qoor Qoor oo la kulmay Taliyaha Ciidanka AMISOM ee degaannada Galmudug

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay Taliyaha Ciidanka AMISOM ee sector 4 iyo saraakiil uu hoggaaminayay.

Kulanka ayaa looga hadlay dardar galinta howlaha Doorashoyinka Galmudug iyo Sugidda Amiga & waliba dagaalka ka dhan ah Ururka Al-Shabaab ee laga fulinayo degaannada Galmudug.

War kasoo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa waxa lagu sheegay in Madaxweynaha Galmudug uu soo Gaba gabeeyay kulamo Amni oo maalmahan uu la lahaa Saraakiisha Ciidada AMISOM.

Kulankan ay Maanta Magaalada Dhuusamareeb ku yeesheen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Taliyaha Ciidanka AMISOM ee sector 4 ayaa kusoo aadaya xilli guluf dagaal uu kajiro degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.