AKHRISO:- Xirmooyinka Shidaalka Badda Loo Xukmiyay Soomaaliya Oo Badankood Maray Dhinaca Soomaaliya

0

Sida lagu daabacay shabakada VOA ee afka Soomaaliga macluumaad laga helay ilo muhiim ah oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in xirmooyinka la tuhunsan yahay inay ku jiraan shidaalka iyo khayraad kale ay mareen dhinaca Soomaaliya ee xuduudda cusub ee ay maxkamada ICJ xukmisay.

Khabiir aan la magacaabin ayaa u sheegay VOA in mid ka mid ah toddobada xirmo ay martay dhinaca Kenya, afar-na dhinaca Soomaaliya, halka labada kale ay xuduuddu dhexmarayso oo ay labada dhinac ah u kala qaybsameen inkastoo dhulka ay ku fadhiyaan xirmooyinkaasi badankiisu marayo dhinaca Soomaaliya.

Khabiirkaasi waxa uu u sheegay VOA in xirmada dhinaca Bari ugu xigta oo astaanteedu tahay L-26 ay martay dhinaca Kenya, halka qaybo ka mid ah xirmooyinka L-23 iyo L-24 ay sidoo kale mareen dhinaca Kenya.