AKHRISO:- Qarax ka dhacay duleedka Boosaaso & khasaaro ka dhashay

0

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntlamd waxaa lagula eegtay degaanka Sugurre ee duleedka Magaalada Boosaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in kolonyo gaadiidka Ciidamada Puntland ah oo ku wajahnaa degaanka Af-urur qaraxa lagula eegtay, isla markaana hal Askari uu ku dhaawacmay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Ciidamada Puntland ee qaraxa lala beegsaday ay fureen rasaas farabadan, taas oo aan wax khasaaro ah ka dhalan.

Qaraxaan Ciidamada Puntland lagula eegtay degaan hoostaga Magaalada Boosaso ayaa kusoo aadaya xilli saaka waaberigii Al-Shabaab ay weerar madaafiic ah ku qaadeen Saldhiga degaanka Af-urur ee Gobolka Bari.