AKHRISO:- Booliska Mareykanka oo xiray Nin Soomaali ah oo baabuur ku dilay Nin kale

0

Waxaa Magaaladda Columbus ee gobolka Ohio ee dalka Mareykanka lagu xiray, muwaadin Soomaali ah laguna soo oogay dacwad dil ula kac ah dib markii Gaari uu jiirsiiyay Nin kale oo Soomaali ah.

Cismaan Aweys oo 37 sanno jir ah ayaa Booliska magaaladda Columbus ee gobolka Ohio dalka Mareykanka sheegeen in Gaarigiisa oo si xowli ah ku socda uu jiirsiiyay Ninka kale ee Soomaaliga ah sodaasina uu ku geeriyooday.

“ Markii ay Ciidanka Booliisku ay gurmad deg-deg ah ku yimaadeen goobta qofka lagu jiiray waxay u yimaadeen nin dhaawac halis ah waxayna u qaadeen Isbitaalka, waxyar kaddibna waxaa la sheegay ninka 30-sanno jirka ah oo weli aanan magaciisa la shaacinin uu u dhintay dhaawacii soo gaaray ayuu yiri” Mid kamid ah Soomalida ku nool magaaladda Columbus.

Saraakiil ka tirsan Booliska magaaladda Columbus ayaa waxaa ay sheegeen inat wadaan baritaan kale oo dheeri ah, kaas oo ku saabsan sababta uu Ninkaan gariga u jiirsiiyay.

Magaalooyinka Mareykanka gaar ahaan kuwa ay Soomaalida ku badan yihiin ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca shilalka gaari iyo in Soomaalida dhexdeeda ay si dilaan.