AKHRISO:- Wafdigii Dowladda ay u xil saartay ka qeybgalka go’aankii Maxkamada ICJ oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

0

Waxaa si heersara ah loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, Wafdigii Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu qeybgalay go’aankii Maxkamada Cadaalada Aduunka ee ICJ oo uu Hogaaminayay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Soo dhaweeynta Wafdigann ayaa waxaa ka qeeyb galay Mas’uuliyiin ay ka mid ahayeen Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, Guddoomiyaha gobalka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, xubno kamid ah labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya.

Dhamaan mas’uulyiintii ka hadashay soo dhaweynta Wafdigaan ayaa ugu horeyn bogaadiyay go’aanka Maxkamada, iyaga oo u Mahadceliyay dhamaan cid kasta oo gacan ka geysatay dadaaladii lagu bixiyay sidii ay Soomaaliya u heli laheyd dhul-badeedkeeda ay muranka gelisay Kenya.