AKHRISO:- Booliska UK oo fal argagixiso ah ku tilmaamay dilka loo geystay Sir David

0

Booliska UK ayaa fal argagixiso ah ku tilmaamay dilka loo geystay Sir David Amess oo ahaa xildhibaan ka tirsanaa xisbiga Conservative-ka ee dalkaasi.

Sir David ayaa dhowr jeer lagu dhuftay toorrida xilli uu Jimcadii ku sugnaa deegaanka Leigh-on-Sea oo ka tirsan gobolka Essex, oo ah halka laga soo doortay.

Booliiska ayaa xiray eedeysane 25 jir ah, waxayna wadaan baaritaanka la xiriira “suurtagalnimada in kooxaha xagjiriinta Islaamiga ah ay dhiirrigeliyeen.”

Booliiska ayaa sheegay in baaritaanku uu ku jiro “marxaladdiisii hore” inkastoo dhowr warbaahin oo British ah ay wariyeen in eedeysanaha la aamminsan yahay in uu ahaa nin haysta dhalashada Britain asalkiisuna yahay Soomaali.

Wargeyska The Sun ayaa wariyay in ninka weerarka qaaday uu dhowr mar mindi la dhacay xildhibaanka, iyadoo ay goobta joogeen laba dumar ah oo xildhibaanka la shaqeynayay ka dibna uu fadhiistay si uu u sugo in booliisku ay goobta soo gaaraan.

Booliisku waxa ay sheegeen in ay aaminsan yihiin in eedeysanuhu uu kaligiis ku kacay weerarka, uuna sii baaray laba cinwaan oo ku yaalla aagga magaalada London.