AKHRISO:- Tababar loo furay Saraakiil sugeysa Amniga doorashooyinka

0

Wasaarada arrimaha gudaha iyo dowladaha Hoose ee Hirshabeelle ayaa maanta magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle, tababar ugu furtay saraakill tiradoodu gaareeyso 20 xubnood, kana tirsan qaybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida ee ka hawlgala deegaannada Hirshabeelle.

Tabarbarkaani oo socon doona muddo lix maalmood ah ayaa lagu baridoonaa saraakiilsha lamaanaha, amniga ee ka qaybgashay tababarka sugida amniga xiliga doorashada Xildhibaannada golaha shacabka deedeegaan doorashadoodu tahay Hirshabeelle oo dhowaan lugu wado in ay qabsoonto.

Tababarka ayaa waxaa ka qaybgalay saraakiil sar sare oo ka kala socda Federaalka iyo maamulka Hirshabeelle.Taliyaha booliska Hirshabeelle Xasan Dhicisoow Xasan iyo Axmed Cali Aybakar oo ah madaxa xogheynta amniga doorashooyinka dalka ayaa ka hadlay muhiimadda tababarka uu u leeyahay laamaha amniga.

Ugu dambeeyn waxaa goobta ka hadlay Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle oo furay tababarka ayaa kula dardaarmay ciidamadii nasiibku u saamaxay in ay heelaan tababar aqoontooda kor loogu qaadayo in ay ilaaliyaan sirta amniga doorashada.