AKHRISO:- Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay difaacanayso baddeeda

0

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Bilaal Maxamed Cusmaan, ayaa sheegay dowladda Kenya in aysan wax dan ah ugu jirin inuu xumaado xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya.

Wasiir udowlaha ayaa sheegay dowladda Soomaaliya in ay ka shaqeynayso sidii xirirka labada dal uu u noqon lahaa mid wanaagsan. Laakiin, wuxuu caddeeyay haddii Kenya ay diido arintaas in ay Soomaaliya u taagan tahay difaaca baddeeda.

Waxaan aaminsanahay in shacabka iyo dowladda Kenya ay ogyihiin in aysan wax dan ah ugu jirin in uu xumaado xiriirka labada dal, waxaan ka shaqeyn doonaa dhankeenna in uu wanaagsannaado xiriirka labada dal, laakin haddii ay diidaan waxyaabaha ay nabaddu ku hagaageyso, dowladda Soomaaliya waxa ay u taagan tahay oo mas’uuliyadeedu tahay difaaca dadkeeda, dalkeeda, diinteeda iyo biyaheeda,” ayuu yiri Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Bilaal Maxamed Cusmaan.

Hadalka wasiiru dowlaha ayaa yimid, xilli ay dowladda Kenya ay kasoo horjeesatay go’aankii kasoo baxay maxkamadda ICJ, ee Soomaaliya loogu xukumay dhul baddeedkii ay Kenya haysatay.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay ku biirtay dalalka UK iyo USA, kuwaas oo horey u diiday go’aamo maxkamaddeed oo kasoo baxay maxkamadda caddaalada adduunka ee ICJ.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay ka shaqeeyaan sidii iyaga iyo Soomaaliya loo dhex dhexaadin lahaa, si ay is-afgarad uga gaaraan arrimaha baddda.