AKHRISO:- Dowladda Soomaaliya oo Gaadiid ku wareejisay Maamulka Jubbaland

0

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Soomaaliya Marwo Maryan Aweys Jaamac iyo Wafdi ay hoggaamineyso ayaa gaaray Magaalada Kismaayo, waxaana Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Wasiirka duulista hawada & gaadiidka Jubbaland Cabdullaahi Dubat Shiil iyo Xubno kale.

Waxaa wasiirka safarkeeda ku weheliyay wafdi ka kaboon hawl wadeennada wasaaradda iyo xubno ka tirsan maamulka Dakadda Muqdisho.

Soo dhawaynta iyo nasasho kooban oo ay wasiirradu ku qaateen qaybta martida Garoonka kadib, waxaa labada wasiir iyo wafdigii la socday ay si toos ah u gudo galeen hawlihii ahaa ujeedka safarkooda oo ay u horraysay kor meer ay ku soo indho indhaynayaan xaaladda iyo shaqooyinka ka socda dakadda Magaalada Kismaayo halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen xubno sarsare oo ka tirsan maamulka dakadda.

Kormeerka ka dib wasiir Maryam Aways waxay wasiirka Duulista hawada & gaadiidka Jubbaland Cabdulaahi Dubat Shiil iyo wasiirka gaadiidka badda iyo dakadaha Jubbaland Cabdiraafic Maxamad Cali ku wareejisay gaadiid ay Dawladda Hindiya ugu deeqday XFS qayb kamid ahna loo asteeyay dawlad gobleedka Jubbaland.

Wasiir Maryam Aways Jaamac oo warbaahinta la hadashay wareejinta gaadiidkan kadib ayaa ka mahad naqday soo dhawaynta loo sameeyay iyada oo sidoo kale faahfaahisay hawsha ay u timid Magaalada Kismaayo.

Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Jubbaland Mudane Cabdulaahi Dubat Shiil ayaa isaguna dhinaciisa ka mahadnaqay gaadiidkan lagu wareejiyay isaga oo sheegay in si buuxda looga faaiidaysan doono.