AKHRISO:- Dowladda Soomaaliya oo lagu wareejiyay deeq Daawo ah

0

Musaabad Deeq Daawooyin ah lagu Gudoonsiinaayey qaarka mid ah Xarumaha Caafimaadka ee Degmooyinka Gobolka Banaaadir ee XamarJajab, Yaaqshiid, Dharkeynley iyo Hiliwaa ayaa lagu qabtay Xarunta Ciidamada Talyaaniga ku lee yihiin Xalane.

Deeqdaan ayaa ka timid FANDAZOINE BANCO FARMACEUTICO, ee Dalka Talyaaniga waxaana la soomarsiiyey Cutubka Ciidamada Talyaaniga ee taakuleeynta Qaybtana ka ah kuwa Midowga Yurub.

Taliyaha Ciidamada Midowga Yurub Gen Zenzone, oo ka hadlay gudoonka Deeqda Degmooyinka ayaa balanqaaday in ay sii wadi doonaan deeqaha ay siinayaan shacab soomaaliyeed ee ku dhaqan degmooyinka gobalka Banaadir.

Taliyaha Cutubka Ciidamada Talyaaniga ee Taakuleynta col Patania ayaa ayaa tilmaamay in ay garab taaaganyihiin Shacabka Soomaalaiyeed.

Dr Ismaaciil Daahir Axmed, madaxa Shaqada iyo Shaqaalaha Caafimaadka ee Gobolka Banaadir ayaa ka mahadcelyey deeqdaan.

Dawladda Talyaaniga ayaa waxaa ay deeqo kala gedisan gaarsiisaa Bulshada ku dhaqan Gobolka Banadir.