AKHRISO:- Cumar Cabdirashiid;”Sheekh Shariif Wax Buu Ku Ogaa Heshiiskii Badda Ee MOU”

0

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ka hadlay heshiiskii isfahamka MOU ee ay dowladii uu Ra’iisul wasaaraha ka ahaa la gaartay dowlada Kenya sanadkii 2009kii.

Qoraal uu soo dhigey bartiisa Twitterka ayuu ku sheegay Sharma’arke in Shariif Sheikh Axmad uu wax ka ogaa go’aankii lagu ogolaaday Is afgaradkii lala gaaray Kenya 2009-kii, kaasoo wax ka bedelay kiiska dacwada Badda.

Sharma’arke ayaa qoraalkiisa ku sheegay in inkiraadda nuucaan oo kale ah ay wadada u furayso in Farmaajana uu inkiro in uu wax ka ogaa Kiiska dhiibista Qalbidhagax.

Maxkamada ICJ ayaa shalay ku dhawaaqday xukunka dacwada badda ee u dhexeysay dowlada Soomaaliya iyo Kenya iyadoo inta badan dhul badeedkii la isku haystay loo xukmiyay dowlada Soomaaliya.