Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

0

Qof isku soo xiray waxyaabaha Qarxa ayaa isku qarxiyay agaagaarka Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxaasi uu ku geeriyooday kaliya ruuxii is-qarxiyay.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku yiri, “24-09-2021 Abaaro 15:03 PM waxaa Qarax ismiidaamin qof naftii halliga ah isku qarxiyey inta u dhaxaysa Isbitaal Madiina iyo Villa Baydhaba, ma jiraan wax khasaare ah ee uu geystay qaraxaas, marka laga reebo qofka naftiisa haligay.”