AKHRISO:- Maxkamadda ICJ oo shaacisay xilliga ay ku dhawaaqeyso natiijada dacwadda Badda

0

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ayaa shaacisay xilliga ay ku dhawaaqeyso in ay go’aan ka gaarto dacwadda badda ee u dhexeysa Kenya iyo Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Maxkamadda ayaa lagu sheegay in 12-ka bisha soo socota ee October ay maxkamaddu soo saari doonto go’aankeeda Xadaynta Badda ee Badweynta Hindiya ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Maxkamadda ayaa sheegtay in dhagaysiga furan ee maxkamaddu uu dhici doona saacaddu marka ay tahay 3-da galabnimo ee xilliga dalka Holland, waxaaana uu ka dhici doonaa guriga Nabadda ee magaalada Hague, xilligaas oo Madaxweynaha ICJ, Garsoore Joan E. Donoghue, ay aqrin doonto go’aanka Maxkamadda.

“iyadoo uu jiro cudurka safmarka ah ee COVID-19, kaliya Xubnaha Maxkamadda iyo wakiillada labada dal ayaa joogi doona Hoolka Weyn ee Caddaaladda. Xubno ka tirsan diblomaasiyiinta, warbaahinta iyo dadweynaha ayaa awoodi doona inay la socdaan akhrinta go’aanka iyadoo ay si toos ah ugala socon doonaan webseedka Maxkamadda, iyo sidoo kale TV -ga Qaramada Midoobay,” ayaa lagu yiri bayaanka maxkamadda.

Kiiskaan ayaa waxaa si aada indhaha ugu haya shacabka dalalka Soomaaliya iyo Kenya.