AKHRISO:- Dad horleh oo Cudurka COVID-19 ugu geeriyooday Magalada Muqdisho

0

Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in 24-tii saac ee lasoo dhaafay la baaray 3,641, balse la cudurka laga helay 348 Ruux, kuwaas oo laga diiwaangeliyay Muqdisho & Gobolada dalka.

Dadka Cudurka laga helay ayaa waxaa ay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya sheegtay inay kala joogaan, Gobolka Banaadir 15 ruux ,Puntland 70 qof, Somaliland, 239, Galmudug 19 iyo Jubbaland oo laga diiwaangeliyay 5 Ruux.

Sidoo kale War kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in dadka cudurka laga helay ay kala yihiin 217 Rag ah iyo 131 Dumar ah, halka cudurka ay ugu geeriyoodeen 20 ruux , iyada oo ay ka bogsadeen 95 qofood.

Guud ahaan Cudurka safmareenka ah ee COVID-19 ayaa waxaa Soomaaliya laga diiwaangeliyay 19,583 xaaladood 1,099 dhimasho ah, halka ay ka bogsadeen 9,345, kuwaas oo ku sugan Magaalada Muqdisho & Gobolada dalka.

Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda xilgaarsiinta Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay qaataan talooyinka caafimaad ayna dhaqan geliyaan tillaabooyinka lagu xakameynayo COVID-19, si guul looga gaaro dadaallada sare loogu qaadayo bed-qabka Bulshadda.