Diiwaangelinta musharixiinta kuraasta aqalka sare ee Somaliland oo maanta ka bilaabanaysa Muqdisho

0

Maanta oo khamiista ah ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka bilaaban doono diwaangalinta Musharaxiinta u tartamaya xubnaha aqalka sare ee gobolada waqooyi ee Soomaaliland.

Dooraahada ayaa waxaa ay dhici doonta 28-ka bishaan oo ku beegan talaadada soo socota, islamarkaana ay ku eg tahay 30-ka bishaan.

Kuraasta doorashada xubnaha Aqalka sare ee Somaliland oo ka kooban 11 xubnood ayaa lagu wadaa iney qabsoonto dhamaadka bishaan.

Dhawaan ayay aheyd markii guddoomiyaha aqalka sare Cabdixaashi Cabdullaahi iyo R/wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ay R/wasaare Rooble u gudbiyeen liiska Musharaxiinta ku tartaneysa doorashada Aqalka sare ee Soomaaliland.