AKHRISO:- Madaxweyne Biden Iyo Macron Oo Ku Heshiiyey Inay Kulmaan Dhammaadka Bisha Oktoobar

0

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo dhiggiisa Faransiiska Emmanuel Macron ayaa kulmi doona bisha soo socota iyadoo dalalku ay ka shaqeynayaan sidii loo hagaajin lahaa xiriirka kadib markii uu soo ifbaxay khilaaf diblomaasiyadeed oo ka dhashay heshiis amni oo ay la galeen Australia.

Bayaan wadajir ah oo ay Arbacadii soo saareen Faransiiska iyo Mareykanka ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay ku wada hadleen qadka taleefanka ayna ku heshiiyeen inay ku kulmaan Yurub dhammaadka bisha Oktoobar.

Danjiraha Faransiiska ee Mareykanka ayaa sidoo kale ku laaban doona Washington toddobaadka soo socda, ka dib markii xukuumada Paris ay dib ugu yeertay wakiilkeedii carro ka dhalatay iskaashiga amniga ee ka dhexeeya Mareykanka, UK iyo Australia.

Maamulka Biden ayaa ka xanaajiyay dowladda Faransiiska toddobaadkii hore markii uu ku dhawaaqday iskaashi dhanka amniga ah oo ay la yeelasheen UK iyo Australia taasoo ka reebtay waddanka Midowga Yurub ee Faransiiska.