SAWIRO:- Maamulka Gobalka Bari oo maanta la wareegay qalab Cafimaad

0

Guddoomiyaha Gobolka Bari mudane Senator Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu la kala wareegayey qalab cafimaad oo ay yeelan doonan degmada Xaafuun iyo deegaanka hurdiye ee Gobolka Bari.
Munaasabada ayaa lagu la kala wareegay qalab cafimaad oo ay ururka jaaliyada Puntland Diaspora ee Denmark ugu deeqeen hospital ka Degmada Xaafuun iyo hurdiye, qalabka ayaa waxa lagu la kala wareegay dekada magaalada Bosaaso oo uu ka soo dagay qalabku.

Waxa ka soo qeyb galay munaasabada Guddoomiyaha Degmada Xaafuun iyo ku-xigeenkisa, Isuduwaha Wasarada Cafimaad Gobolka Bari, Guddoomiyaha jaaliyada Diaspora Puntland ee Denmark, Nabadoono, iyo cuqaal.

Guddomiye Mudane Senator Cabdisamad Abwaan, ayaa ka hadlay munaasabada waxa uuna ugu horeyn u mahadceliyey ururka jaaliyada Puntland Diaspora ee Denmark oo iyagu gartay in ay qalabkan keenan Degmada Xaafuun Iyo deegaanka hurdiye, sidoo kale Guddoomiyaha ayaa Maamulka Degmada Xaafuun iyo Bulashada kula dar-daarmay in ay ilaa shadaan oo ku fara adeegaan qalabkan Bulshadana loogu adeego.