Kooxda Taalibaan ee qabsatay Afgaanistan oo Dalab hordhigtay QM

0

Kooxda Taaliban ayaa weydiisatay inay khudbad ka jeediso shirka hogaamiyayaasha caalamka ee Qaramada Midoobay todobaadkan oo ka dhacaya magaalada New York.

Wasiirka arrimaha dibedda ee kooxda ayaa codsiga ku soo qoray warqad Isniintii shalay ahayd soo gaartay guddiga. Guddi ka socda Qaramada Midoobay ayaa go’aan ka gaari doona codsiga Taalibaan.

Taalibaan ayaa sidoo kale afhayeenkooda fadhigiisu yahay Doha Suhail Shaheen u magacaabay safiirka Afghanistan ee Qaramada Midoobay.

Kooxdan oo bishii hore la wareegtay gacan ku haynta Afgaanistaan ​​ayaa sheegtay in ergaygii xukuumaddii la afgambiyay uusan hadda matalin dalka.

Codsiga ka-qaybgalka doodda heerka sare ah waxaa tixgelinaya guddiga aqoonsiga, oo sagaal xubnood ay ka mid yihiin Mareykanka, Shiinaha iyo Ruushka, sida uu sheegay afhayeenka Qaramada Midoobay.

Laakiin waxay u badan tahay inaysan kulmin kahor dhammaadka kalfadhiga Golaha Guud ee Isniinta soo socota. Ilaa waqtigaas, sida uu dhigayo sharciga Qaramada Midoobay, Ghulam Isaczai wuxuu sii ahaan doonaa safiirka Afghanistan ee hay’adda caalamiga ah.