AKHRISO:- Somaliland ” Wax Shaqo ah kuma lihin doorashooyinka Soomaaliya”

0

Xukuumadda Soomaaliland ayaa sheegtay in wax shaqo ah ku laheyn howlaha doorashooyinka ee doadda Federaalka ah ee Soomaaliya, kuwaas oo ka socda Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland ayaa waxaa lagu sheefay in ay ku wargelinayaan Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo guud ahaan Caalamka in Somaliland tahay dowlad madax bannaan oo aan wax Shaqo ah ku laheyn howlaha Maamulka doorashooyinka Somaliland.

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland ayaa sheegtay in ay uga digeeyso Maamulka iyo Siyaasiyiinta Soomaaliya sheegashada ay ku marin habaabinayaan caalamka sida hadalka loo dhigay.

Warkaan kasoo yeeray Somaliland oo aaminsan inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale ayaa kusoo aadayaa xilli shalay la soo saarayiiska Musharixiinta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi Somaliland.