AKHRISO:- Is rasaaseyn ka dhacday degmada Guriceel

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in Israsaaseyn kooban ay gudaha degmadaas ku dhexmartay Ciidamada Booliska iyo Nin hubeysnaa oo isticmaalay Waxyaaabaha Maanka Dooriya.

Is rasaaseynta oo dhacday xalay xili dambe ayaa ka dambeeysay kadib markii Ciidamada Booliska oo howlgallo wada ay la kulmeen Ninka hubeysan ee isticmaalayay waxyaabaha Maanka dooriya, balse holwgalkooda uu ka horyimaaday, taas oo keentay inay dagaalamaan.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ninka hubeysnaa is rasaaseynta uu kasoo gaaray dhaawac culus, kaas oo dhaawiciisa loo soo wado Magaalada Muqdisho.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan xaaladda ay tahay mid degan, isla markaana isku socodka dadka iyo Ganacsiga ay si caadi ah u Shaqeeynayaan.