AKHRISO:- Galmudug & Maamulka degaanka Soomaalida oo ka wada hadlay dilkii Afarta Askari

0

Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowlad deeganka Soomaalida waxaa uu kala hadlay weerarkii lagu dilay Afar kamid ah Ciidamada liyuu Boolis, kaas oo ka dhacay degaanka Goohweyne ee Ismaamulka Soomaalida.

Cali Daahir Ciid Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa marka hore ka tacsiyadeeyay geerida saraakiishaas, isaga oo balan qaaday in ka maamul ahaan ay soo qaban doonaan dadkii dilkaasi gaystay, iyaga oo kaashanaya Ciidamada Dowlad degaanka Soomaalida.

Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug ayaa ka mahadceliyay doorkii Shariifka ahaa ee uu Madaxweyne Mustaf Cagjer ka qaatay dajinta xiisadii ka dhalatay dhacdadaasi lagu dilay Afar kamid ah Ciidamada liyuu Boolis.

Ugu dambeyn Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa Shacabka dagaannadasi dagan ugu baaqay in ay la shaqeyaan Maamulkooda kana qayb qataan Amni ku wada noolanshaha deeganadaasi dhaca Xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya

Colaadaha iyo weerarada ka dhaca xaduudka Maamulka Galmudug uu la leeyahay dowlad degaanka Soomaaliya ayaa kordhay sanadihii u dambeeyay, waxaana jiray qorshayaal ay uga hortagayaan labada Maamul, kuwaas oo aan weli hirgelin.