AKHRISO:- Fahad Yaasiin oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho

0

Magaalada Muqdisho waxaa subaxnimadii hore ee saaka soo gaaray la-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo maalmihiia soo dhaafay ku sugnaa dalka Turkiga.

Saraakiil dhinaca Hay’adaha Amniga ah ayaa Allgalgaduud u sheegay imaatinka Fahad Yaasiin oo diyaarad khaas ah ay ka keentay dalka Turkiga.

17-kii Bishaan diyaarad uu la socday Fahad Yaasiin ayaa laga celiyay dalka Jabuuti, iyada oo tallaabadaas Madaxtooyada Soomaaliya ay ku eedeysay inay ka dambeeyso dowladda Jabuuti, halka dowladda Jabuuti Warkaasi ay beenisay.

la-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo Fahad Yaasiin ayaa qorshuhu ahaa in 18-kii Bishaan shir ay yeelan lahaayeen Guddiga Amniga Qaranka uu kasoo jeediyo Warbixin la xiriirta maqnaanshaha Ikraan Tahliil oo ka tirsan Hay’adda NISA balse uu shirkaasi dib u dhacay sababo la xiriira maqnaanshaha Fahad Yaasiin.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay in ay soo saari doonto waqtiga rasmiga ah ee uu qabsoomaho Shirka Guddiga Amniga Qaranka, waxaana todobaadyadii la soo dhaafay aad loo hadal haayay warbixinta uu soo jeedin doono Fahad Yaasiin maadaama maqnaanshaha Ikraan waxyaabo badan ay ku gadaaman yihiin.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa dhawaan xilkiisii ahaa Agaasimaha Hay’adda NISA ku waayay kiiska maqnaanshaha Ikraan Tahliil, waxaana taasi ay sababtay in khilaaf xoogan oo aan weli xal loo helin uu ka dhex billaawdo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.