Dowladda Malaysiya ayaa sheegtay in muwaadin dalkeeda kasoo jeedo lagu maxkamadeeyay Soomaaliya

0

Dowladda Maleesiya ayaa war kasoo saartay in u dhashay dalkaasi oo maxkamada Ciidamada qalabka sida ku maxkamadeesay muqdisho iyadoo sheegtay inay si dhow ula socota xarigga iyo hannaanka sharciga ah ee lagu soo rogay nin u dhashay dalkaas oo la sheegay inuu Soomaaliya u soo galay si uu uga biiro kooxda Al-Shabab.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas Datuk Saifuddin Abdullah oo ka hadlay arrinta maxkamada ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Safaaradda Malaysia ee Khartuum, Suudaan, ay tageen qunsuliyadda si loo hubiyo daryeelka iyo caafimaadka ninkaas oo loo yaqaan Axmad Mustakim Abdul Hamid.

qoraalka Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa lagu yiri “Wasaaraddu waxay sii wadi doontaa la socodka dhacdooyinka kiiska waxayna siin doontaa mudnaanta koowaad iyada oo hubineysa in mar walba la ilaaliyo xuquuqdiisa iyo inuu helo xukun caddaalad ah oo waafaqsan sharciga.”

Sidookale waxaa lagu yiri “Waxaa naloo oggol yahay inaan booqanno qunsuliyadda, sidoo kale waxaan la xiriirnay qoyskiisa si aan ugu sheegno xaaladdiisa.”

ugu dambeyn waxaa lagu yiri qoraalka “Waa inaan ixtiraamnaa shuruucda dalka, waxaana laga yaabaa inaan weyddiisanno wakiillada safaaraddeenna inay ka soo qaybgalaan dacwadiisa maxkamadeed,” ayuu ku yiri shir jaraa’id oo uu ku qabtay Xarunta Baarlamaanka ee Indera Mahkota Sabtidii 18-ka September.