AKHRISO:- Xaalada magaalada Beledweyne oo xiisad ay ka taagan tahay

0

Magaalada Beledweyne ee xarunta maamulka gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka jira xaalad kacsanaan ah kadib markii xalay ay xarunta maamulka gobolka Hiiraan ay la wareegeen xarunta maamulka gobolka.

Inta badan ganacsiga magaalada iyo xarumaha waxbarashada ayaa xiran saaka iyadoo wadooyinka waaweyn magaalada ay haawanayaan.

Gudaha magaalada Beledweyne ayaa saaka lagu arkay Ganeral Abuukar Xuud iyo ciidamadiisa.

Rasaas xalay la isku weydaarsaday xaafado ka mid ah magaalada Beledweyne ayaa waxaa ku dhintey askari ka tirsan ciidamada dowlada federalka halka labo kalana ay ku dhaawacmeen.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Dowlad goboleedka Hirshabelle iyo weliba maamulka gobolka Hiiraan oo ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyey ee gobolka.

Hase yeeshee waxaa soo dhaweeyay kacdoonka ka dhanka ah maamulka Hirshabelle ee ka bilowday magaalada Beledweyne Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo laga soo doorto gobolka Hiiraan.