Maamulka Gobolka Bari ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo saaray digniin ku socota Shacabka ku nool Gobolkaas, taas oo ku saabsan ay jiraan roobab xoogleh iyo dabeeylo kusoo wajahan Gobolkaas.
Qoraal kasoo baxay Maamulka Gobolka Bari ayaa loogu baaqay bulshad aku nool degaannada qaar ee Gobolka Bari inay ka fogaadaan Goobaha Xeebta ku dhow si aysan dhibaato uga soo gaarin roobabka iyo dabeeylaha.
Sidoo kale Maamulka Gobolka Bari ayaa mamnuucay in 48 saacadood ee soo socota in wax Gaadiid ah uu u baxo dhinaca Badda, waxana la amray Taliska Booliska & Maamulada degmooyinka inay o’ankaa dhaqan geliyaan.
Hoos Ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Maamulka Gobolk Bari ee Puntland.
Maamulka Gobolka Bari waxaa uu la wadaagayaa Shacabka Gobolka in 48 saac ee soo socda ay jiraan roobab xoogleh iyo dabeeylo dhanka bada u badan hadii alle idmo sida saadaasha cimiladu sheegeyso.
hadaba waxaa la farayaa shacabka degan dhulka Banaan, Togaga iyo meelaha u dhow xeebta inay ka fogaadaan goobahaas si looga taxadaro in dhibaato ka soo gaarto dadka iyo duunyada.
Sidoo kale waxa la faray Taliska qeybta Booliska Gobolka Bari Iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Bari in ay 48 saac ee socoda ay wax gaadiid ah u bixi karrin bada, sidoo kale waxa la faray Isu-Duwayaasha Wasaaradaha Dekadaha Iyo Kaluumaysiga in ay si dhow uga war-hayaan arrintaas.
Sidoo kale waxa ay gaarri kartaa Gobolka Gardafuu waa in aay aad uga taxadaraan arrintaas.